Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaaalka Xasan Xundubey Jimcaale oo ka warbixinaya shirkii Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in ay jiraan wadamo gacmaha kula jira doorashadda dalka ka dhacaysa.
Waxa uu sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ay sameysay tasaasul walba si doorasho ay dalka kaga dhacdo,balse ay jiraan wadamo badan oo gacanta kula jira arrimaha Somaaliya,shacabka Soomaaliyeedna taasi ay ogyihiin.
“in doorashada dalka meelo kale laga carqaladaynayo shacabka soomaaliyeedna arintaasi ay ogyihiin”,ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaaalka Xasan Xundubey Jimcaale.
Wasiirku waxaa intaas ku daray Siyaasadu inay ubaahan tahay samir, sal adayg iyo isu dulqaadasho. ee aysan ahayn wax habeen inta laysku yimaado sidaas lagu dhamayn karo.

