wararka ka imaanaya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in howlgalo balaaran ay ka socdaan gudaha magaalada gaalkacyo kadib dil xalay halkaasi ka dhacay.
Madaxweynaha Puntland Saciid cabdulahi dani ayaa amray in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dil xalay magaalada galkacyo loogu geeystay wariye jamaal faarax aadan.
madaxweynaha ayaa dhankale tacsi u diray dhamaan ehelada iyo shacabkii uu ka baxay wariyaha waxaana uu alle uga baryay in janadii fardoowso uu ka waraabiyo.


