Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kulan La Yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka C6+

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay aaladda fogaan aragga waxa uu la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka C6+ kaas oo ay kaga wada hadleen arrimo la xiriira xaaladda dalka, doorashooyinka iyo sii amba-qaadidda wadahadalladii u dhaxeeyay DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa  ku bogaadiyeen Ra’iisul Wasaaraha natiijada ka soo baxday shirkii 25-kii Febraayo uu  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la qaatay Golaha Musharaxiinta Madaxweynanimada  kaas oo lagu gaaray isfaham.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhiirigalayay qabashada kulan guud oo lagu dhameystirayo heshiiskii 17-kii September 2020 ay gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale dhameystirka qodobadii ka soo baxay shirkii guddiga farsamada ee Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulanka uu la qaatay wakiillada Beesha Caalamka si faahfaahsan ugu sharraxay Qorshaha Aminga ee Xilliga Kala Guurka  ee DFS iyo xilliga joogitaanka dalka ee ciidamada AMISOM .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here