Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysnaa oo laba wiil oo dhalinyaro ahaa Duhurnimadii maanta ku dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Labadda wiil ee la dilay ayaa la sheegay in ay ka Tirsanayeen Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaliya,islamarkaana ay ka howlgali jireen Gudaha Suuqa bakaaraha.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in rag ku hubeysnaa bastooladdo ay dileen labadda wiil, oo mid kamid ahaa la sheegay in uu warbaahinta kazoo shaqeeyay.
Ragii ka damabeeyay dilka ayaa ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

