Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay ka fuliyeen degmada Bardaale ee gobolka bay.
al-shabaab wararka ay ku baahiyaan interneetka waxa ay ku sheegteen in weerar qorsheysan ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa itoobyaan ah oo ku sugnaa degmada bardaale
Weerarkan al-shabaab waxa ay sheegeen in ay kaga fuliyeen goobo fariisimo ah oo ciidamada maamulka koonfur galbeed iyo kuwa itoobiya ay ku lahaayeen garoonka diyaaradaha macmalka ah ee degmada bardaale.
waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba ay ku burburiyeen goobahaasi ay ciidanku ku sugnaayeen islamarkaasna ay qasaaro ku gaarsiiyeen ayna dhaaween askari ka tirsanaa ciidanka dowladda.
al-shabaab ayaa intaasi ku daray ay goobta ka qabsadeen agabyo kala duwan oo kuwa ciidanka ah.
dowladda iyo al-shabaab guulo kala sheegtay dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka baay iyadoona dowladdu ay sheegay in dagaal xalay ka dhacay degmada qansaxdheere ee gobolka bay ay sheegen in ay ku dileen 9 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab.

