Wararkii Ugu Dambeyay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaare kala duwan geeystay oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada muqdisho gaar ahaana wadada cabdiqaasim ee dagmada hodan.

qaraxaan ayaa waxa uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay islamarkaasna lala beegsaday gaari uu lasocday taliye ku xigeenka ciidanka xoogan  cabaas amiin cali

qaraxu waxa uu si gaar ah uga dhacay meel u dhaw iskuulka hoyga xamar gaar ahaana wadada cabdiqaasim ee degmda hodan ee gobolka banaadir.

waxaana lagu soo waramayaan in qarxaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askar ilaalo u aheyd taliyaha iyo dad shacab ah oo wadada marayay.

inta la xaqiijiyay waxa qaraxa ku geeriyooday laba askari oo ka tirsanaa ilaalada taliye ku xigeenka ciidanka xooga iyo hal oo shacab ah kaas oo la sheegay in uu ahaa wade mooto bajaaj.

sidookale waxa qaraxa la sheegay in uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka lasocday gaariga qaraxa lala eegtay

ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda ayaa qaraxa kadib waxa ay dad goobjooga yaal ah inoo sheegeen in ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay islamrkaasna ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano kala duwan oo ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

xaalada halka uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan dagan waxaana ku sugan ciidamada dowladda

majirto wax wara oo kasoo dowladda oo looga hadlayo qaraxaani maaanta ka dhacay wadada cabdiqaasim ee magaalada muqdisho.

Sidookale majirto cid sheegatay masuuliyada qarxaani

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here