Dowladda Oo Sheegtay In Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Ay Ku Dileen Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bay

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ciidamo ka tirsan dowladda kuwa amisom oo dhinac iyo dagaalamayaasha al-shabaab ku dhexmaray gobolka bay

saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa guulo ka sheegtay dagaalka iyaga oo sheegay in xubno al-shabaab oo  isku dayay inay weerar kusoo qaadaan degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay waxaana ay sheegtay.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka sida u sheegay in 9-ka tirsan xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al-Shabaab ay weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay halka tiro kale oo iyagoo dhaawac ah nolosha lagu qabtay ciidanka dowladdu.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay ka war qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay udiyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka AMISOM ee degmada ku sugan iyo kuwa Daaraawiishta Konfurgalbeed ay sii  wadaan dagaalka dhan ah al-shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qansax Dheere ahna Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda degmadaasi Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa dhinaca kale sheegay in ay degmada iyo nawaaxigeeda ay ka sameeyeen howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab kaasi oo ay xubno dhowr ah  lagu dilay

isagoo carabka ku adkeyay in howlgaldii ugu dambeeyay ay ku dileen sadax oo al-shabaab  ah islamarkaasna ay  soo qabtay mootooyin ay u isticmaali jireen.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa ugu dambeeyn ugu baaqay maamulka koonfur galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysteen taageerida ciidanka degmada ka howlgala iyo sidii looga adkaan la haa dagaalamayaasha  Al-shabaab oo go’doon geliyay degmadaasi Qansax Dheere ee gobolka Baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here