Wararka aan ka helayno gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in kooxa maleeshiyaad ah oo hab beeleed u abaabulan ay gabi ahaanba xireen isku socodka gaadiidka ee degmooyinka xeraale iyo guriceel ee gobolkaasi galgaduud.
waxaana lasoo sheegayaan in labada maleeshiyo ay diideen in gaadiid ay ukala gooshaan labada degmo iyadoona la sheegay in gadiid raashi waday oo kasoo baxay degmada xeraale islamarkaasna usocday degmda guriceel lasoo celiyay halka gadiid kale oo isaguna kasoo baxay degmda guriceel islamrkaasna usocday xeraale laso celiyay.
gadiid farabadan oo labada degmo badeecooyin ukala waday ayaana lagu soo waramayaa in ay ku xanibanyhiin wadada islamarkaasna ay labada maleeshiyo ay is hor istageen isticmaalka wadada.
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababata rasmiga ah ee ka dambeeysa go,odoominta wadada isku xirta degmooyinka guriceel iyo xeraale
waxaana warar ay sheegayaan in sababtu ay tahay aanooyin qabiil islamarkaasna labada maleeeshiyo ay kala tabanayaan dagaalo iyo dilaal horay u dhacay.
warar qaar ayaa sidookale sheegayaan in maleeshiyaadkaan ay yihiin dad inta badan dhac ka geysta waddada islamarkaasna gadiidka wadada maraya ku xira lacago aysan bixin karin taasina ay keentay in uu joogsado istimaalka wadada isku xirta degmooytinka xeraale iyo giriceel.
inta badan deegaano ka tirsan gobolka galgaduud waxa ka dhaca dagaal beeleedyo iyo doona ay saameeyeen weyn ku yeeshaan dagaaladaasi
dad shacabka ah ee ku safraya iyo gadiidka badeecooyinka wada ee isticmaala wadiiyonka qaar ee deegaanada dhaca gobolka galgaduud.

