Dowladda Kenya oo Taliye Cusub Usoo Magacowday Ciidankeeda Jooga Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa shaacisay isbadal lagu sameeyay taliska dhanka hogaanka ah ee Ciidamadooda jooga Soomaaliya kadib markii

Paul Kahuria Njema uu ayaa xilka laga qaaday waxaa loo magacaabay Jeff Nyaga in uu noqday Taliyaha CIIDAMADDA Kenya ee qeybta ka ah AMISOM qeybta Sector II ee Dhoobley,.

Brigadier Njema, oo ahaa taliyihii qeybta 9-aad ee KDF, wuxuu kala wareegay Brig. Dickson Rutto bishii Febraayo 2020. Wuxuu uga mahadceliyay askarta wada shaqeynta, adkeysiga, iyo anshaxa, intii lagu guda jiray munaasabada wareejinta.

Njema wuxuu xusay in ciidamada KDF ay yareeyeen Alshabaab aaggii ay ku sugnaayeen Goboladda Jubooyinka iyo BGedo,taasina ay keentay wada shaqeynta ciidamadda Kenya eek u suganGudaha Soomaaliya.

“Waxaan ku jirnaa niyad sare waxaana naga go’an inaan gaarno nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo la raacayo waajibaadka AMISOM,” ayuu yiri.

Taliyaha Cusub

Brigadier Nyagah wuxuu xaqiijiyay in cutubkiisa ay xoojin doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada KDF iyo ciidamada amaanka Soomaaliya iyagoo kaashanaya howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Wuxuu intaa ku daray in cutubka tobnaad ay bilaabi doonaan mashaariic kala duwan oo iskaashi rayid ah (CIMIC) si loo xasiliyo jawiga hawlgalka isla markaana ay saameyn togan ugu yeeshaan nolosha dadka deegaanka.

Waxaa goobjoog ka ahaa intii lagu gudajiray isbedelka taliska taliye kuxigeenka waaxda Colonel Pascal Kitiro, sarkaalka hogaaminaya ee xilka laga qaaday Lieutenant Colonel Clement Nyakundi, sarkaalka hogaaminaya taliyaha gaashaanle dhexe Joseph Ongeso, sarkaalka sare ee howlgalada gaashaanle dhexe Kennedy Masai, iyo taliye Dhobely Level II Hospital Lieutenant Colonel Wilson Koech iyo kuwo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here