Xildhibaano Ka Tirsan Dowladda Oo Ku Baaqay In Deg Deg Loogu Gurmado Dadka Ku Dhaqan Yaaq Bari Weyne

0

Senator Naciima Ibraahim Yuusuf  oo ka tirsan aqalka sare ayaa  ku baaqday in gurmad deg deg ah oo amni iyo mid nololeedba lala gaaro shacabka Yaaqbari Weyne iyo Leego.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gubay tuulooyin dhowr ah oo ay ku dhaqnaayeen dad shacab ah ka dib markii ay ka diideen amar kaga yimid al-shabaab

Senator Naciima Ibraahim Yuusuf ayaa sheegtay in dadka laga barakiciyay guryahooda ay u kala carareen Afgooye, Muqdisho iyo deegaano kale kuwaas oo hadda wajaha daruufo nololeed oo aad u adag.

Waxay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ay ugu baaqday in ay gurmad deg deg ah dadkaas la gaaraan.

“Waxaan codsanayaa Dowladda Federaalka oo madaxweyne u yahay Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaare Rooble, gurmad waxay u baahan yihiin dadkaas deg deg ah,” ayay tiri Senator Naciima.

Sidoo kale, Xildhibaan Aadan Kaladire oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gubeen21 tuulo oo dhaca xadka ay wadaagaan Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, iyagoo barakiciyay dadkii halkaas deganaa, waxayna dhaceen xoolahoodii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here