Hogaamiyaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabeele Oo Kulan La Qaatay Madaxdii Hore Ee Dalka

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe  ayaa xalay kusoo booqday guryahooda Madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud,& Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Hore ee dalka  Xasan Cali Khayre.

Labada masuul ayaa kulamo La qaatay kala duwan la qaatay madaxdii hore dalka waxaana la sheegay in ay ka sheekeeysteen arimo badan oo kusaabsan xalada dalka.

Kulanka ay wada yeesheeyeen madaxweynayashii hore dallka iyo hogaamiyaasha  mamulada galmudug iyo hirshabeele  ayaa waxa la sheegay in uu  isugu jiray kala-warqaadasho xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo sidii loo maareyn lahaa Marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku marayo.

waxaana la sheegay in madaxweynayaasha galmudug iyo hirshabeele ay masuuliyiintii hore ee dalka ugu tageen sidii ay u xalin lahayeen rabshadihii maalmaahan ka dhacay magaalada muqdisho islamrkaasna dowladdu ay ku xabadeysay midowga musharxiinta oo banan bax dhigaya.

wararka ayaana sheegaya in madaxweynayaasha  qoor qoor iyo cali guudlaawe ay madaxdii hore ee dalka ka dalbadeen in ay isdajinyaan wax walba oo dhacyna wada hadal lagu dhameeyo

madaxweynayaasha galmudug iyo hirshabeele ayaa waxa ay magaalada muqdisho dhawaan u yimaadeen ka qeyb galkooda shirka uu iclaamiyay madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulahi farmaajo Shirkaasi Oo ka furmaya magaalada muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here