Warqad Qoraal ah oo uu soo saaray midowga afrika ayaawaxa Go,aano lagu soo rogay ciidamada amisom ee ka howlala muqdisho kadib shaqaaqooyinkii iyo dagaalkii shalay iyo habeen ka hor ka dhacay magaalada muqdisho.
Midowga afrika ayaa ciidamada amisom uga digay in ay ku milmaan xasradaha siyaasadeed ee ka jira dalka iyo in ay hal dhinac la saftaan.
qoraalka kasoo baxay midowga afrika ayaa waxa lagu amray ciidamada amisomin ay dhaxdhaxaad ka noqdaan rabshadaha iyo dagaalada ka soconaya magaalada muqdisho.
waxaana sidoolkale la tilmaamay in loo baahanyahay in ciidamada amisom ay awooda mida ugu yar ay kaga qeyb gali karaan dagaaladaasi hadii laga maarmiwaayo oo lasoo weeraro goobaha ay masuuliyada ka saarantahay amaankooda sida villa soomaaliya.


