Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Musharixiinta ayaa maanta ka dhacay isgoyska Km4 gaar ahaan wadada aada garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii Banaanbax ay hogaaminayeen Musharixiinta kala ah C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, iyo xildhibaaano ay ku yimaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya aaga KM4,waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ahaa.
Inkastoo aan la ogeyn khasaare ka dhashay dagaalka hadana waxaa hakad galay banaanbaxii ay hogaaminayeen qaar kamid ah musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Qaar kamid ah musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya oo warbaahinta kula hadlay Hoteelka Jaziira ayaa sheegay in ay dowladdda weerar kusoo qaaday,islamarkaana qorshaha uu ahaa in la khaarijiyo.
Madaxweyninii Hore ee Maamulka Galmudug C/rikiim Guuleed ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarka lagu soo qaaday,wuxuuna ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu sheegay in sidoo kale waxa laga xumaado ay tahay in beesha Caalamka ay Madaxweyne kaligii talis ah in ay u ogolaato in xukunka uu hayo.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in beesha caalamka ay kulan la yeelato Madaxweyne xukun awood ku jooga.
Dhanka kale Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in banaanbaxyadda ay sii socon doonaan inta laga gaarayo ujeedka laga leeyahay ee ah in meesha laga saaro Farmaajo.

