Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Digay Banaanbaxyadda Bari Ka Dhacaya Muqdisho

0

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinta haysata Dhalashadda dalka mareykanka ee ku sugan magaaladda muqdisho kaga digtay in ay ka qeyb galaan banaanbaxa maalinta bari ah lagu wado in uu ka dhaco taaladda dajirka dahsoon ee magaaladda muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykan ee Soomaaliya ayaa muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, iyadoo laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Banaanbax weyn oo ay soo qaban qaabiyeen musharixiinta mucaaradka ah oo loogana soo horjeeddo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo dib u dhaca doorashadda ayaa laggu cadeeyay bayaan safaaraddu soo saartay oo looggu digay muwaadiniinta mareykanka ee Muqdisho ku sugan.

Midowga Musharixiinta ayaa ku celceliyay maalmahaan inuu banaanbaxa dhici doono hase yeeshee Dowladda Federalka ayaa soo saartay amaro culus oo ku aaddan isku imaanshaha,madaama Caabuqa Carona uu soo laba kacleeyay.

Dhanka kale Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay degey dhisme ku dhow goobta la iclaamiyay inuu ka dhaco mudaaharaadka loogaga soo horjeedo Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday ee Farmaajo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here