wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in xalay weerar xoogan oo qasaara geeystay uu ka dhacay gobolka jubbada hoose
waxaana wararku ay sheegayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay xalay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada kenya ay ku lahayeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka jubbada hoose
werarkaan ayaa waxa la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay deegaanada barsanguuni iyo qooqaani kawada tirsan gobolka jubbada hoose ,iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka ka dhacay deegaanadaasi dhaca gobolka jubbada hoose.
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarada xalay la sheegay in ay ka dhaceen deegaanada barsanguuni iyo qooqqni ,waxaana sheegeen in dagaal xoogan ay ku qaadeen saldhig ciidmada dowladda iyo kuwa kenya ay kulahaayeen gobolka jubbada hoose islamarkaasna ay khasaaro ku gaarsiiyeen .
wararka al-shabaab ay ku qoraan barahooda interneetka ayaa waxa ay guulo kaga sheegteen weeraro habeenimadii xalay aheyd la sheegay in ay ka dhaceen deegaanada qooqaani iyo barsanguuni ee gobolka jubbada hoose.
al-shabaab wax faahfaahino dheeri ah kama bixin weeraradni oo ku saabsan dadka lagu dilay weerarada ay sheegeen in ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa kenya ee gobolka jubbada hoose
weerarkaan ka dhacay gobolka jubbada hoose ayaa waxa kusoo aadyaa xili al-shabaab ay guulo ka sheegteen qarax miino oo shalay ciidmada amisom gaar ahaana kuwa uganda ay kula eegteen inta u dhaxeysa Deegaanada Danow iyo Golweyn oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose

