waxaa sacadihii lasoo dhaafay magaalada muqdisho lagu soo waramayaan in lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda
kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in sarkaalkaan ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dileen gudaha degmada kaaraan ee gobolkani banaadir
wararka duwan ayaana kasoo baxaya dilka sarkaalkaan la sheegay in uu ka tirsan ciidanka dowladda,waxaana masuuliyada dilkaani sheegtay dagaalamayaasha al-shabaab
wararka al-shabaab ay ku faafiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in sarkaal sare oo ka tirsana ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Maxamed owbakar shadoor ay ku dileen degmda karaan
waxaana ay sheegeen in dilka sarkaalkaani uu ahaa mid qorsheysan islamrkaasna ay fuliyeen dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab
al-shabaab ayaa muddoyimnkii dambe kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho iyahgoona beegsada inta badan askarta iyo masuuliyiinta dowladda
waxaana sheegashada al-shabaab ee sarkaalkaan ka tirsanaa ciidamada dowladda dilkiisa uu kusoo aadayaa xili shalay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu aah kamiramaanka taliyaha ciidanka asluunta lagu dilay degmda howlwadaag iyadoona masuuliyada dilkaas ay dhabarka uriteen dagaalamayaasha al-shabaab

