wararka ka imaanaya gobolka mudug ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in dagaal qasaare kala duwan geeystay uu xalay ka dhacay deegaanka aan sidaasi uga fogeyn deegaanka baacdweyne ee gobolka mudug.
wararku waxa ay sheegayaan in dagaalkaani uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaash al-shabaab ay dagaal xoogan ku qaadeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo ku sugnaa deegaanka jiiqdheere ee hoosyimada deegaanka bacaadweyne gobolka mudug .
dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaani uu ahaa mid xoogan islamrkaasna ay xubno ka tirsanaa al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heyta deegaanka jiiqdheere
waxaana la sheegay in maleedhiyaadkii dadka deegaanka ahaa ay iskaga bexeen deegaanka la weerar ee jiiqdgeere islamrkaasna ay markale iyaguna weerar ay kusoo qaadeen deegaanka iyagoo gurmadka helaya ciidamada dowladda .
saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkii xalay ee deegaanka jiiqdheere ayaa waxaa ay sheegeen in al-shabaab ay soo weerareen deegaanka jiiqdheere oo aan ka fogeyn deegaanka bacaadweyne islamrkaasna ay muddo saacado ah ku sugnaayeen intaasi ka dib ay ciidanka xooga dalka oo kaa shanaya dad deegaanka ay dib ula wreegeen deegaanka jiiqqdheere
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay dagaalkaani waxaana lasoo sheegayaa in qsaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyodhaawac uu ka dhashay dagaalkaan xalay ka dhacay deegaanka ka tirsana gobolka mudug
wararka aan helayno ayaana sheegaya in dagaalkaan ay ku dhiteen 4 halka tiro intaasi kabadana lasheegay in ay ku dhaawacmeen walow warar hoose oo aan helayno ay sheegeyeen in ilaa iyo sadax qofood ay ku dhaawacmeen dagaalka
inta badan deegaano ka tirsan gobolka mudug ayaa waxa ka dhaca dagaalo culus oo u dhexeya maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo garab ka helaya ciidanka dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab.
waxaana dhowr jeer guulo kala sheegtay dagaaladaasi labada dhinac iyadoona lasoo sheegayo in xaalada deegaanka jiiqdheere ay dagantahay saakay.

