Tirada Dadka Ugeeriyooday Cudurka Covid19 Ee dalka Oo Koradhay

0

Wasaarada caafamaadka xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa soo saartay kiisaas cusub oo cudurka covid19 oo laga helay gudaha ,Waxaa sara usii kaceysa dadka uu soo ridanayo cudurlka carono virus

Wasaarada ayaa waxa ay shaacisay Tirada dadka  24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19  guud ahaan wadanka: 1,529

Laga Helay:  90

Banadir:        66

Somaliland:  19

Hirshabelle:   4

Koonfur Galabeed:1

Lab:       49

Dhedig: 41

Bogsasho : 11

Dhimasho:   2

Tirada Guud ee Laga Helay: 5,273

Bogsashada Guud: 3,750

Dhimashada Guud: 154

Xilli Soomaaliya ay qeyb ka noqotay dalalka uu ku soo laba kacleeyay cudurka safmarka ah ee COVID-19, ayaa wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya oo mudooyinkan waday wacyigelin iyo digniin joogto ah oo ku socota bulshada waxaa ay maanta kormeertay qeybta karantiilka COVID-19 ee Isbitaal Banaadir oo ah goobta labaad ee Wasaaradda caafimaadku u diyaarisay in lagu daryeelo dadka uu haleelo cudurka COVID-19.

 

Wasiirka ayaa indha indheysay qolalka loo diyaariyay in lagula tacaalo dadka bukaanka ah, waxayna warbixin ka dhageysatay Agaasimaha Isbitaal Banaadir Marwo Fartuun Shariif Maxamed oo xustay inay si weyn ugu diyaar garoobeyn qaabilaadda iyo la tacaalidda Dadka uu ku dhaco safmarka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Soomaaliya Dr Fowsiya Abiirkar Nuur ayaa Dadka Soomaaliyeed ku boorisay inay raacaan habraacyada bahda caafimaadka si ay uga badbaadaan halista cudurkan.

In ka badan Boqol iyo Konton qof ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyootay safmarka COVID-19, waxaana hadda muuqata inay sii kordhayaan dadka la dhibaatoonaya soo laba-kaclaynta cudurkan oo tirada guud ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ay cagacageeneyso in kabadan shan kun oo qof.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here