Iyadoo mgaalada beydhabo uu shalay galinkii dambe ka furmay shir ay yeelanayaan guddi farsamo oo loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan qabsoomida shirka ay iskugu imaanayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo looga arinsanayo xalinta khilaafatka arimaha doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan.
shirka guddiga farsamada ayaa waxa shaly galinkii dambe daahfuray raiisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed xuseen rooble iyadoona lasoo sheegayo in shirku haatan ku socdo is afgarad islamrkaasna hada ay meel wanaagsan wax marayaan.
Gudoomiyaha Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, Wasiir Salah ayaa sheegay in maalintii 1-aad horumar laga gaadhay shirka oo caawa xilli danbe soo gaadhay.
“Shirkii Guddiga Farsamada ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir wuxuu maalintii koowaad noogu idlaaday jawi wanaagsan, hawlihii lanoo igmadayna waxaanu ka gaadhnay horumar la taaban karo.
Waxaan ku rajo waynahay in isu imaatinkan uu ibo-fur u noqdo is afgarad wanaagsan oo laga gaadho dhamaystirka qodobadii hadhsanaa. Aan wada hadalno waa aan heshiinno” Ayuu yidhi Gudoomiyaha guddigu mudane Saalax
waxyaabaha kasoo baxaya shirka guddiga farsamad ee magaalada beydhabo ayaa waxa la filayaa in ay go,aamiyaan in dalku uu doorasho aad iyo in kale ,waxaana rajaweyn laga qabaa in uu isku soo dhaweyay madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada
shirka ayaana maanta galaya maalintiisii labaad walina laga hordhicikaro waxa kasoo baxaya shirkaasi iydoona hadii shirkaasi laisku fahmi waayo walaac laga muujiyay doorashada dalka.

