Guddigii uu magacaabay raiisul wasaaraha xukuumada deraalka soomaaliya maxamed xuseen rooble ee loo xilsaaray ka shaqeynta shirka wada tashiga ay iskugu imaanayaan madaxda dowladda iyo maamul goboledyada dalka ayaa waxa ay maanta ku wajahanyihiin magaalada beydhabo.
guddigaan oo ka kala socday madaxda dowladda iyo maamul goboleedyda ayaa waxa ay shaqadoodu tahay in ay ka shaqeeyaan qabsoomida shirka wada tashiga qaranka iyo in ay soo bandhigaan halka ugu haboon ee lagu qaban karo shirkaasi.
shirkaan qabsoomidiisa ayaa waxa la sheegay in uu yahay mid muhiim ah si xal looga gaaro arimaha doorashooyinka
shirka guddigaan ayaa waxa u imaanayaa iyadoo maanta uu dib udhac ku yimid shirka wada tashiga ah oo dhawaan iclaamiyay madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulahi farmaajo kaasi oo ku baaqay in shir ay iskugu yimaadaan magaalada garoowe
maanta oo isniin ayayna balantu aheyd in shirku uu ka furmo balse waa uu baaqday oo majirto wax saan saan ah ama dhaqdhaqaaq shir ah oo soceda
maamulka puntland oo shirkaan madaxweynuhu sheegay in xaruntiisa lagu martigalinayo ayaa arintaasi kasoo horjeestay
waxaana uu sheegay in loo baahanhay in shirka lagu qabto magaalada muqdosho ee caasiamda dalka si ay uga qeyb galaan shirka dhamaan saamileeyda siyaasadeed ee cabshada ka qaba doorashada
sidookale waxa jirtay in maamulka jubbaland uu dhankiisa sheegay in talada puntland soo jeedisay ay tahay mid wanaagsan ayna haboontahay in shirka muqdisho lagu qabto
dowladda oo mar labadaan warsoo saartay ayaana dhankeeda ku adkeeysatay in shirka lagu qabanayo magaalada garoowe

