Ciidamada maamulka puntland ayaa waxa lagu soo waramayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran oo dad lagu soo qabqabtay ay ka fuliyeen deegaanada buuraleeyda gobolka bari
howlgaladaan oo la sheegay in ay aheeyeen kuwa qorsheysan ayaa waxa ciidamaeda maamulka puntland la sheegay in ay kusoo qabqabteen dad falal amni daro ka geeysanayay deegaano iyo tuulayin ka tirsan gobolka bari gaar ahaana deegaamnada buuraleeyda ah ee uu ka arimiyo maamulka puntland.
wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada maamulka puntalnd ay howlgaladaan oo ka dhacay buuraha galgala ay kusoo qabteen amiirka tirsanaa dagaalamayaasha al-shabaab iyo xubno la socday.
wararka aan ka helayno deegaanada ay howlgaldu ka dhaceen ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada puntland gaar ahaan kuwa psfta punland ay gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsana al-shabaab
waxaana qoraal kasoo baxay punland lagu sheegay in ragaan ay al-shabaab u qaabilsanaayeen sameeyn qaraxyada inta badan ka dhaca inta udhexeysa buuraleeyda galgala iyo tuulada karin
sidoookale waxa wararku ay tilmaamayaan in ciidamada mamaulka puntland howlgalada ay sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabo qaraxayada laga sameeyo gaar ahaan bambooyin ay ku jirto maadada TNT oo la sheegay in walxaha qarxa laga sameeyo
maamulka puntalnd ayaa soo bandhigay muuqaalo ku saabsan raga howlgakaan lagu soo qabqabtay balse wali si rasmi ah uma soo bandhigin magacyada ragaasi iyo aamiirka lasoo qabtay islamrkaasna maamulka puntalnd uu sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaash al-shabaab

