Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo kulan gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bnaadir ayaa faray in si deg deg ah dib loogu bilaabo ololaha wacyigalinta Cudurka safmarka ah eeCovid-19 oo dib u soo laba kacleeyey.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigalinta ee maamulka gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, agaasimaha waaxda caafimaadka dowladda hoose Dr. Maxamed Caddow iyo Taliyaha ilaalada Ciidanka deeganka Xamar.
caabuqa carona virus ayaa si aad ah hoos ugu dhacay gudaha soomaaliya balse waxa jirtay diniino ku aadan in cudurka uu markale soo labo kaclayn karo
waxaana hada soo laba kacleeyay cudurka covid19 iyadoona hada gudaha soomaaliya laga diiwaan galiayay kiisas cusub oo la xariira cudurka halka dad badan oo u dhintayna la diiwaan galiayay
wasaarada caafimaadka xukuumada soomaaliya ayaana dad soomaaliyeed uga digeysa qatarta cudur covid19 oo markale dalka dib uga soo cusboonaaday.

