Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray qarax barqanimadii saaka ka dhacay barta hubinta gaadiidka ee u dhaw taalada Sayidka.
Saakay oo sabti taariiqduna ay 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari lagu soo rartay walxaha Qarxa, ayaa war kasoo baxay taliska ciidanka booliska lagu sheegay in uu soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.
Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in Qaraxa uu dhacay xili dadka ay ka feejignaayeen dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka,
waxaana ay sheegeen in qaraxu uu sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj,
war kasoo baxay taliska booliska ayaa waxa lagu sheegay in aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo qofkii naftiis huraha ahaa ee waday gaariga qarxay.
Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta lala doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ayaa lagu yiri qoral kasoo baxay taliska booliska

