Howlgalo Dad Lagu Soo Qabqabtay Oo Laga Fuliyay Ddeegaanada Soomaaliland

0

Ciidamada booliska maamulka soomaaliland ayaa waxa lagu soo waramayaa in saacadihii aan soo dhaafnay ay howlgalo balaaran ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka sool.

Howlkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid qorsheysan oo ciidamada booliska soomaaliland ay ka fuliyeen magaalada laascaanood ee gobolka sool .

Wararka aan ka helayno gobolka sool ayaana sheegaya in howlgaladaani ay sameeyeen ciidamada soomaaliland uu yimid kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada laascaanood ka dhacayeen falal amni daro.

Waxaana la sheegay in ciidamada booliska soomaaliland ay howlgaladaan ay kusoo qabqabteen dad fara badan kuwaasi oo la sheegay in la tuhmayo islamrkaasna  baaritaano kala duwan lagu sameenayo.

Taliska Booliska soomaaliland wali wax faahfaahin ah ka bixn howlgalkaan iyo tirada dadka ay kusoo qabteen balse wararka ayaa sheegaya in howlgaladaani ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga deegaanada  gobolka sool.

Waxaana la sheegay in ciidamada booliska soomaliland inta ay howlgalka sameenayeen ay baaritaano ku sameeynayeen dadka iyo gaaddiidkaba.

Ciidamada Soomaaliland Taliskooda  ayaa horay u sheegay in howlgalo ay ka sameeynayaan magaalada laascaanood oo ay ka dhacayeen dilil qorsheysan kuwaasi oo ay geeysanayeen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.

Dhankale maamulka soomaaliland ayaa ciidamo fara badan ku taadiyay magaalooyinka waaweyn ee deegaanada soomaaliland kuwaasi oo amniga sugaya.

Maagaalooyinka ciidamada badan lagu arkayo waxa ka mid hargeeysa,boorama,burco iyo kule oo dabadan,waxaana la sheegay in sababtu ay tahay in deegaanada soomaaliland lasiku ndiyaarinaya doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka ee soomaaliland islamrkaasna la doonayo in si aad ah loo adkeeyo amaanka.

Saraakiil ka tirsan maamulka soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin wax amni daro ah oo ka jirta deegaanada soomaliland balse doorashada un lasiku diyaarinayo sidii ay si amni ah ugu dhicilaheyd islamrkaasna looga hortagi lahaa wax kasta oo carqal ku keenikara qabsoomida doorashooyinka soomaaliland.

Madaxweynaha soomaaliland ayaa dhawaan sheegay in horaanta sanadkaan ay dhaceyso   doorashada deegaanada  soomaalialand .

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here