Ra’iisul wasaaraha Xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed xuseen rooble ayaa waxa maanta la Filayaa in uu hortago xidhibanaada golaha shacabka islamrkaasna uu qubbad u jeediyo .
Xildhibanaada golaha shacbka ayy maanta oo Arbaca ah oo ay Tariikhduna ay ku beegantahay 10 February waxa ay leeyihiin kulankoodii caadiga ahaa kaasi oo ay ku yeelanayaan xaruntooda ku meel gaar ka ah villa hargeeysa ee magaalada muqdisho.
Agendaha kulanka maanta ee xildhibanaada ayaa ah hadal Jeedinta Raiisul Wasaare rooble ,waxaana la filyaa in xildhibanaada uu raiisul wasaaruhu u gubiyo warbixin ku Saabsan Wax – Qabadkii 100ka Maalmood ee Xukuumada.
Dhankale waxa jira hadal heyn badan oo ku aadan kulanka maanta ee xidhibaanada golaha shacabka,iyadoona laga baqdin qabo in buuq uu hareeyo kualnka .
Waxaana xusim xudan in xalay ay jireen kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanmayeen xildhibaano ka tirsan dowladda kuwaas oo dhaliilsan sida ay wax u wadaan madaxweyne farmaajo iyo xukuumada raiisul wasaare .
Kulama xalay kadhacay muqdisho oo ay wada yeelanayeen xildhibaanada mucaaraadka ayaa waxa la sheegay in intooda badan looga hadlayay in kulanka maanta uu raiisul wasaaruhu damacsanyahay muddo kororsi islamrkaasna aysan taasi aqbali karin ,waxaana la sheegay in laisku raacay in madaxda dowladda uu waqtigoodu dhamaaday,loogana baahanyahay in doorasho ay qabtaan oo kaliya.
Kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacbka ay manta yeelanayaan ayaa waxa uu imaanaya xili raiisul wasaare rooble uu isniintii ka baaqday in uu hortago xidhibanaada golaha shacabka oo agendaha ku jiray balse uu ka baaqday
Sidookale waxaa xusid mudan in kulamadii ugu dambeeyay oo ay yeesheen xildhibaanada golaha shacabka uu hareeyay buuq fara badan oo kusaabsan in lasoo hadal qaado muddo kordhin.

