Puntland Oo Kasoo Horjeestay In Garoowe Lagu Qabto Shirka Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada

0

Maamulka puntland ayaa waxa uu ka jawaabay baaq kazoo yeeray madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulahi farmaajo baaqaas oo ku aadanaa in magaalada garoowe ay shir iskugu yimaadaan madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira ,si ay uga wada hadlaan marka khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka ayaa waxa lagu sheegay in mpuntland ay si aad ah usoo dhaweynayso shirka wada tashiga ah oo laiskugu yeeray madaxada dowlada iyo dowladaha xubnaha ka ah,balse aan la tashi laga sameeyn puntland ayaa lagu qoraal kooban oo kazoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka puntland.

Waxaana puntland ay soo jeedisay in magaalada muqdisho lagu qabto shirka ay iskugu imaanaya maamul goboleedyada iyo madaxda dowlada.

“ Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”

Waxaana tani ay kusoo beegmeysaa xili madaxweyne farmaajo uu xalay iskugu yeeray madaxda dowlada iyo maamul goboleedyda in shir ay iskuguyimaadaan 15 bishaan magaalada garoowe .

Iyadoona ay xusid mudan tahay in maamulka puntland oo la filayay in uu martigaliyo uu diiday islamrkaasna uu ku taliayay in muqdisho lagu qabto shirkaasi .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here