Waxaana xalay inta badan degmooyinka gobolka banaadir laga maqlay jug aad u culus taasi oo aheyd qarax warar kala duwan ayaana kasoo baxaya qaraxaasi ka dhacay muqdisho.
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino jawaan laga soo buuxiyay oo la dhiyay afafka hore garoonka kubbada cabta en.geneer yariisow istaadiyom ee ku yaal degmada cabdi casiis .
Warar naga soo gaaraya degmada cabdicasiis ee gobolkani banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in laamaha amniga gaar ahaana ciimada booliska dowladda ay qarxiyeen miinooyinkii lasoo dhiyay garoonka en.yariisow stadium ee magaalada muqdisho .
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska ayaa waxa uu sheegay in dadka shacab ka ah ay kusoo wargaliyeen in ay arkeen jawaan ay ka shakiyeen sidaas darteena ciimada ay u qarxiyeen miinooyinka lasoo dhigay garoonka agtiisa iyadoona sarkaalku uu intaas ku daray in miinooyinkaasni la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacab ka ah balse aysan u suurtagalin dadkii soo dhigay.
Waxaana laamaha amnigu ay sheegeen in aysan jirin wax qasaaro ah oo uu geeystay qaraxaasi islamrkaasna ay ciidamada dowladdu ku guuleeysteen in ay miinooyinkaasi qarxiyaan xili fiid ah oo dad in tooda badan ay seexdeen.
Qaraxaan miinooyinka ah ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili mudooyinkii dambe ay magaalada muqdisho waxa jaheysan weeraro qaraxyo oo badan kuwaasi oo inta badan ay guulo ka sheegteen dagaalamayaasha al-shabaab.

