Dagaal Askar Itoobiyaan Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Bakool

0

Warar ka imaanaya gobolka bakool ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan kuwa amisom gaar ahaana ciidamada itoobiya weerar qasaaro geeystay lagu beegsady degmada xudur ee xaunta gobolka bakool .

Dagaalkaan ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhigyo ciidamada itiibiya ay ku lahayeen degmada xudur ,waxaana la soo sheegayaan in dagaalkaani uu ka dhashay khasaara kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in weerarkaan lagu dilay askar ka tirsan ciidamada itoobiya ee weerarka lagu qaaday saldhigyadooda iyadoona dadka deegaanku ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ka dhacay degmada xudur ee xarunta gobolka bakool
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka lagu  qaaday fariisimaha ciidamada itoobiya,waxaana ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada itoobiya askarna ay kaga dileen weeerarkaani .
Al-Shabaab wararka ay barahooda intarneetka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in hal askari oo katirsan ciidamada  Itoobiya ay ku dileen  weerarkii  lagu qaaday saldhig kuyaal degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen ciidamo itoobiyaan ah .

Sidookale war kasoo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerar xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladdu ay kulahaayeen  Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Waxaana ay  sheegeen  in weerar fool ka fool ah lagu qaaday saldhig ciidamada daraawiishta  Koonfur galbeed ay kulahayeen degmada Waajid
iyagoona xusay in saldhigga ciidanka itoobiya ee waajid ay ku weerareen  madaafiic .
Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ciidamada dowladda iyo ciidamada amisom ee nabad ilaalinta
ujooga soomaaliya
Waxaana dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ee lasoo dhaafay al-shabaab ay guulo ka sheegteen weeraro ciidamada amisom lagu eegtay gobolka bakool
Walina majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada amsom,maamulka koonfur galbeed iyo madaxda dowladda kuwaasi oo dhawaan ku dhawaaqay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here