waxaa saacadiihii aanu soo dhaafnay lagu soo waramayaan in xanuun halis ah lagu arkay deegaanada dowlad deegaanka soomaalida ethiobiya
xanuunkaan ayaa waxa la sheegay in lagu tuhmayo in uu ka dhashay kaneeco qaniinyadeeda
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuun looga shakisan yahay cudurka Dengue uu ka dillaacay qeybo ka mid ah dhulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 207 xaaldood oo loo maleynayo in uu xannuunkaasi yahay ayaa laga helay gobollada Dollo iyo Liibaan ee degaanka Soomaalida.
Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay baaritaano ay sameyeen lagu xaqiijiyay jiritaanka cudurkan, waxyana intaasi ku dartay in baaritaannadan lagu sameynayo shaybaar ku yaalla Hawassa.
Xanuunkan Dengue oo ah xanuun asal ahaan ay gudbiso Kaniicada ayaa horay uga dillaacay sannadihii isla deegaanka intii u dhaxeysay sanadahii 2017 iyo 2018.

