Maamulka Puntland Oo Dad U Xiray Diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga

0

Waxa magaalada boosaaso Saacadiihii  aan Soodhaafnay lagu xiray dad badan oo sariflayaal ah kuwaas oo la sheegay in qiima ay ku korshiyeen sarifka lacagta doollarka

Ciidamada booliska puntland qeybta gobolka bari ayaa waxa ay xabsisi dhigeen qaar ka mid ah sariflayaasha magaalada boosaaso oo la sheegay in ay said ka dhigeen safirka lacagta islamarkaasna ay qiima dheerad ah ku kordhiyeen

Maamulka puntland ayaa waxa uu dhawaan sheegay in aan la aqbali doonin in ladiido lacagta shillinka soomaaliga

Waxaana maamulka puntland uu shaley talaabo ciidan u qaaday isticmaal iyo socodsiinta lacagta shillinka soomaaliga iyadoona magaalooyin badan lagu bdaadiyay ciidama farabadan

Ciidamadaasi oo lagu amray in ay gacanta kusoo dhigaan cid kasta oo isku dayda in ay diido lacagta shilinka soomaaliga cabsigana la dhigo dadkaasi

Meela badan oo ka tirsan deegaanada uu ka arimiyo maamulka puntaland ayaa waxa maalmihii dambe ka jiray sicirbarar xoogan oo ku aadan diidmada lacagta shillinka soomaaliga

Maamulka puntland ayaana awaamiir xoogan kazoo saaray arinkaasi waxaana xusid mudan in magaalooyin badan oo ka tirsan puntland laga istimaalyo lacgta shilinka soomaaliga balse ay jiraan meelo qaar oo laga diidanyahay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here