iyadoo magaalooyin badan oo ka tirsan kuwa uu ka arimiyo maamulka puntland oo laga diidanaa qaadashada lacagta shilinka soomaaliga ayaa waxa lagu soo waramayaan in maamulka puntland uu tallabo ciidan uu u qaaday socodsiinta lacagta shillinka soomaaliga
ciidamo farabadan oo iskugu jira ku dhar cad ah iyo kuwa tuute wata ayaa waxa lagu soo waramayaa in saakay lagu daadiyay magaalooyin badan oo ka tirsan puntland oo laga diidana lacagta shilin soomaaliga
maamulka puntland ayaa waxa la sheegay in ciidamadani uu ku amray in ay soo qabtaan islamarkaasna ay cabsiga u dhaadhiciyaan ciskasta oo diida lacagta shilin soomaaliga
waxaana la sheegay in ciidamada qaar oo dharcad ah ay wataan lacagta shilin soomaaliga cidii diidana ay gacanta kusoo dhigayaan
waxaa xusid mudan in maagaalooyin badan oo ka tirsan puntaland ay ka hergashay go,aanadii uu soo saaray madaxweynaha puntland ee lagu socodsiinayay lacagta shilin soomaaliga balse wali waxa jira dad diidan qaadashada lacagta shilin soomaaliga taasi oo keentay in mamaulka puntland uu qaado tallaabo ciidan oo horleh
waxaana ciidamada la sheegay in la faray in ay socodsiinayaan shilin soomaaliga islamarkaaasna ay gacanta ksuoo dhigaan dadka diidan

