Faahfaahino :- Khasaaro Ka Dhashay Tira Hoobiyaal ah Oo Lagu Garaacay Magaalada Dhuusamareeb

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  hobiyaal ah oo xalay lagu garaacay magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa  tira ilaa 10 hobiyaal ah  xalay ku garaacay  xaafado ka tirsan magaalada dhuusmareeb

ila wareedyo deegaanka ah ayaa waxa ay kusoo waramayaan in qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay hubiyaashaan xalay lagu garaacay magaalada dhuusamareeb

waxaana warar dhac ah oo ay heshay idaacada simba ayaa waxa ay sheegayaan in qasaaraha ka dhashay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee xalay lagu dhuusamareeb uu yahay dhaawaca hal askari iyo sadax qof oo shacab ah kuwaasi oo la sheegay in xaafadahooda ay ugu tageen hobiyaashu

majirto war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka galmudug oo faahfaahin looga bixinayo qasaaraha ka dhashay hibiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan magalaada dhuusamareeb

iyadoona masuul ka tirsamn maamulka galmudug gaar ahaana afhayeenka degmada dhuusamareeb oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebuuga ayaa waxa uu sheegay in gordhw ay faahfaahin kasoo bixin doonn qasaaraha ka dhashay weerarkii hoobiyaash ahaa ee xalay lagu qaaday magaalada dhuusamareeb

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa waxa la sheegay in  duleedka Dhuusamareeb ay kula dagaalameen  xalay xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al-shabaab

waxaana la sheegay in ay dileen mid ka mid ah kooxdii madaafiicda soo tuurtay magaalada dhuusamareeb, midkalena nolosha lagu hayo, waxaa oo ciidamadu ay furteen qoryo fudud sida uu xaqiijiyay duqa Caasimada macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow. Saraakiisha Amniga iyo Maamulka Degmada ayaa qorsheynaya in ay goordhow warbaahinta la wadaagaan Xogta dagaalkan iyo macluumaadka la xiriira tiro madaafiic ah oo xalay lagu soo weerarey xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb.

magaalada dhuusamareeb ee caasimada maa mulka galmudug ayaa maanta waxa ka furmaya shirka wada tashiga madaxda dowlada feraraalka ah iyo maamul goboleedyada dalka

waxaana xusid mudan in magaalada ay ku suganyihiin  madaxeynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya raiissul wasaaraha dalka madaxweynayaasha maamulada hirshabeele koonfur galbeed iyo galmudug iyo masuuliyiinkale amaanka ayaana ahaa mid sacadihii lasoo dhaafay mid si aad ah loo adkeeyay

balse xalay fiid ayaa tira hobiyaal ah oo kusoo dhacay xaafada qaar ee magaalada dhuusamareeb laga maqlay gudaha magaalada

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro hobiyaal ah oo lagu qaaday magaalada dhuusamareeb guulo kaga sheegtay

Mana ahan markii ugu horeysay oo hoobiyaal xli habeen ah lagu garaaco magaalada dhuusamareeb

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here