Dawladda Kenya ayaa ka walaacsan in dagaalka Degmadda Beled-xaawo ee Gobolka Gedo sababi karo barakac baahsan oo Qaxooti cusubi ku galaan gudaha Kenya.
Qoraal kasoo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in Dagaalka Xalay Ka dhacay Baladxaawo uu walaac ku abuuray Kenya.
“Walaaca ugu weyn ee aan qabno ayaa ah in dagaalka soo cusboonaaday uu horseedi karo barakac baahsan oo gudaha Soomaaliya ah iyo dadka u qaxaya xeryaha Kenya,”ayaa lagu yiri warka Kenya.


