Al-Shabaab Oo Dad Ka Barakicinaysa Deegaanka Shalaanbood

0

iyadoo maanta weeraro qaraxyo deegaanka shalaanbood  lagu eegtay ciidamo ka tirsan kuwa  amisom ayaa waxa mniga deegaanka iyo tuulooyinka hoos yimaada ka warbixiyay maamulka deegaanka shalaanbood

Gudoomiyaha deegaanka shalaanbood ee gobolka shabeelaha hoose Nuur cismaan raage oo la hadlay idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan laba qarax oo lala eegtay ciidamada amisom

waxaana uu sheegay qaraxyadaasi yadaasi mid ka mid ah uu qasaare gaarsiiyay ciidamada amisom islamarkaasna uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada qaraxa lala eegtay

Dhankale gudoomiyaha deegaanka shalaanbood oo haladalkiisa sii wata ayaa waxa uu al-shabaab uu ku eedeeyay in ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulooyinka hoostaga deegaanka shalaanbood in ay ku amreen in ay iskaga barakaan

gudoomiyaha ayaana tilmaamay in deegaanka shalaanbood awal ay ka jirtay in wadooyinka qaar ee laga soo galo ay xirnaayeen islamrkaasna ay go,odoonsaneyd  haatana dadka deegaanka shalaanbod ay wajahayaan dhibaatooyin fara badan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here