iyadoo maanta weeraro qaraxyo deegaanka shalaanbood lagu eegtay ciidamo ka tirsan kuwa amisom ayaa waxa mniga deegaanka iyo tuulooyinka hoos yimaada ka warbixiyay maamulka deegaanka shalaanbood
Gudoomiyaha deegaanka shalaanbood ee gobolka shabeelaha hoose Nuur cismaan raage oo la hadlay idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan laba qarax oo lala eegtay ciidamada amisom
waxaana uu sheegay qaraxyadaasi yadaasi mid ka mid ah uu qasaare gaarsiiyay ciidamada amisom islamarkaasna uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada qaraxa lala eegtay
Dhankale gudoomiyaha deegaanka shalaanbood oo haladalkiisa sii wata ayaa waxa uu al-shabaab uu ku eedeeyay in ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulooyinka hoostaga deegaanka shalaanbood in ay ku amreen in ay iskaga barakaan
gudoomiyaha ayaana tilmaamay in deegaanka shalaanbood awal ay ka jirtay in wadooyinka qaar ee laga soo galo ay xirnaayeen islamrkaasna ay go,odoonsaneyd haatana dadka deegaanka shalaanbod ay wajahayaan dhibaatooyin fara badan

