Waa markii Labaad dhib udhacay waqtigii loo qorsheeyay doorashadda Xildhibaanadda aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga lagu muransan yahay ayaa horay waxay u soo saareen jadwal doorasho 23-kii bishii December 2020, waxaana jadwalkaas uu dhigayay in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay soo saaraan 29 December Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, isla markaana 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021 ay ku dhacdo doorashada xILDHIBAANADDA Golaha Aqalka Sare.
Kadib markii uu dhaqan gali waayay jadwalkiihore ayaa Guddiga soo saaray jadwal labaad taariikhda marka ay aheyd 29 December, waxaana uu markaas uu sabab uga dhigay is bedelka ku yimid jadwalka codsi uga yimid Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dalbaday in waqti la siiyo muddo dib loo dhigo.
Waxaa uu Guddiga qaatay codsiga Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), isagoo soo saaray jadwal labaad, kaasoo dhigayay in doorashada Aqalka Sare ay dhacdo 7-14 Janaayo 2021, iyadoo maanta ay ku egtahay.
Ma jiro wax war oo kasoo baxay Guddiga lagu muransan yahay oo ku aadandib u dhaca ku yimid markii labaad waqtigii loo qorsheeyay doorashadda Xildhibaanadda aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa socda dadaalo uu wado wakiilka Qaramadda Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya eek u aadan in doorashadda waqtigeeda lagu qabto.
Waxaan sii Xoogeysanaya walwalka dadka Soomaaliyeed Guadaha iyo Dibada ee ku aadan Geedi Socoda Isbadalka 4 Sanad ah ah ee Doorashooyinka hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka ka dib markii ay sii kala Fogaadeen Dowladda iyo qaarka mid ah Saamileyda Siyaasadedd ee dalka.
Guddiga Doorashooyinka ee Xukumadda iyo Sadex maamul Gobaleed ayaa dhaqaajin dhamaan Tilaabooyinka horseedka unoqon lahaa qabsoomida Doorashhoyinka dalka waxaana arintaas oo niyad ku heysa Bulashada Soomaaliya oo ku hanweynaa In u dalku oo galo doorashoyi iyo qori isku dhiibta Dowladda Soomaaliya ay uugaaro Heer aayo ka tashaga dalka uu dib ugu laabto shacanka oo soo doorasho furan ku soo xusha Hogaankooda

