Goobaha codbixinta ayaa furmay gudaha dalka ,iyadoo dadka reer Yugaandha ay u dareereen doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka ee dalkaasi.
Dad badan oo soomaali ah ayaa ku dhaqan gudaha dalka yugaandha waxaana ay walaac xoogan ka qabaan doorashada ka dhaceysa dalkaasi yugaandha
Maadaama ay ka midyihiin dadka ajaaniibta ah ee ku sugan dalka yugaandha islamrkaasna waxa dadka soomaaliyeed ay cabsi xoogan ka qabaan in ay saameeyn ku yeeshaan rabshadaha doorashada oo sanadkaan uu markale tartamayo maxmeynaha kaligii tliyaha ah ee dalka kaasi uganda yuwani masafani
11 oo uu ku jiro madaxweynaha talada haya ayaa u taagan xilka madaxweynaha, sidoo kale waxaa ku jira qof dumar ah.
Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono waa madaxweyne Yoweri Museveni oo 76 sano jir ah dalkana xukumayay muddo 35 sano ah, iyo fanaanka da’da yare e Bobi Wine oo 38 sano jir ah.
Robbert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa sheegay in uu matalayo da’yarta reer Uganda iyadoo Museveni oo sheegay in uu u taagan yahay xasiloonida dalka.
18.1 milyan ayaa loo diiwaan geliyay ka qeybgalka doorashada, madaxweynaha markii shanaad ayuu tartamayaa xilligan, sidoo kale shacabka Uganda waxay dooran doonaan xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 529 mudane. Guuleystaha doorashada ayaa laga rabaa in uu helo 51% si looga fogaado wareeg kale oo tartan ah.
Xukuumadda ayaa amartay in la xiro baraha bulshada inta doorashada socoto, madaxweynaha waxaa uu sheegay in dhowr bog oo ay leeyihiin taageeriyaasha xisbigiisa sidoo kale hawada laga saaray.
Arbacadii Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu la baxay korjoogtada doorashada ka dib markii inta badan kormeeriyaashaas loo diiday rukhsadaha.
Afhayeenka madaxweyne Moseveni oo hadalkaas ka jawaabay ayaa qoraal soo dhigay Twitter wuxuu sheegay in doorashada korjoogto ka yihiin kormeeriyaal ka socda midowga Afrika iyo bulshada bariga Afrika.

