wararka aan ka helayo deegaano katirsan maamulkapuntland ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ay banan baxyo waaweyn ay ka bilowdeen magaalada qardho iyo deegaano kale oo hoostaga maamulka puntland
Banan Baxyadaan ayaa waxa lasheegay in ay dhigayeen wadayaasha mooto bajajajta ka shaqeya magaalada qardho ee gobolka karkaar oo ka tirsan deegaanada dowlad goboleedka puntland
waxaana banan baxyadaan ay yimaadeen kadib markii la sheegay in sariflayaasha magaaladu ay diideen lacagta shilinka soomaaliga taasi oo keentay in ay shaqajoojin sameyaan bajaajleydu islamrkaasna ay banan baxyo wadaan.
wadayaasha mootada looyaqaan bajajata ee ka shaqeya magaalada qardho ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay ku shaqeynayeen lacagta shilinka soomaaliga islamarkaasna hada ay usocweysay lacagta shilin soomaaliga ,waxaana ay sheegeen in marnaba aysan aqbali karin in la diido lacagta shin soomaaliaga
dhinaca kale wararka qaar oo aan helayno ayaa sheegaya in lacagta shilin soomaaliga aysan sidookale kasocon magaalooyin waaweyn oo ku yaal deegaanada uu ka arimiyo maamulka puntland magaalooyinkaas oo ay ka mid yihiin garooe boosaaso iyo gaalkacyo oo dhamaantood lagu soo waramayo in lacagta shilin soomaaliaga ay ka socon la,adahay
tani waxa ay kusoo aadeysaa xili muddoyinkii dambe maamulka puntland uu go,aano culus kasoo saarayay diidmada lacagta shilinka soomaaliaga
waxaaana xusid mudan in madaxweynaha maamulka puntland uu amar ku bixiyay in la qaato lacagta shilin soomaaliga cid diidi kartana aysan jirin.

