Waxa manta oo Isniin ahTariikhduna ay ku beegantahay 28 December kulan xasaasi ah yeelanaya xidhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyada faderaalka soomaaliaya
Kulanka maanta ee xildhibaanada ayaa waxa lagu wada in uu ka dhaco xarunta villa hargeysa oo xarun kumeel gaara u ah xildhibaanada golaha shacabka
Agendaha kulanka xidhibaanada golaha shacabka maanta waxa uu yahay Akhrinta 2aad Qoondada Miisaaniyadda 2021
Waxaa Xildhibaanadu ay dood adag ka yeelan doonan sharcigaan oo ah mid muhiim ah oo la doonayo in xildhibaanadu ay meel mariyaan
Iyadoona kulan maanta ay yeelanayaan xidhibaanada golaha shacabka barlamaanka soomaaliaya uu kusoo aadaya xili shalay uu dhmaaday waqtiga xildhibaanada golaha shacabka oo ku ekaa 27-12-2020
Waxaana jirta dhaliilo badan iyo amaan loo jeediyay xildhibaanada golaha shacabka kuwaas oo dhameystay muddadoodii afarta sano aheyd
Xildhibaanada ayaa kuraasta kusii fadhindoona tan iyo inta laga soo magacaabayo ismarkaasna laga soo dhaarinayo xildhibaano cusub si firaaq dastuuri ah uusan u imaan

