Al-Shabaab Oo Weerar Ka Dhacay Gobolka Gedo Ku Dilay Askar Keenyaan Ah

0

warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo lagu qaaday askar keenyaan ah oo ku sugnaa gudaha degmada ceel waaq ee gobolka gedo

weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay weerareen saldhig  ciidanka  keenya ay ku lahaayeen degmada ceel waaq ,weerarkaasi oo lagu dilay ciidamo keenyaan ah

waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo dhimashoiyo dhaawacba leh.

Al-Shabaab ayaa baroohada interneetka war ay soo dhigeen ku sheegtay masuuliyada weerarkii lagu qaaday ciidamada keenyaan ka ah ee ku sugnaa degmada ceel waaq ee gobolka gedo

waxaana al-shabaab ay sheegeen in ay weerarkaasi ay ku dileen ilaa iyo hal askari oo ka tirsanaa ciidanka keenya

al-shabaab ayaa horay guulo uga sheegtay weeraro ay labeegsadeen saldhig iyo ciidanka keenya ay ku lahayeen gudaha somaaliya gaar ahaana deegaanada dhaca gobolada jubbooyinka

waxaana markale ay sheegeen in weerar cusub oo qasaare geeystay ay ciidamo keenyaan ah  ku qaadeen kuwaasi oo ku sugnaa degmada ceelwaaq ee gobolka gedo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here