Wasiirka Amniga Galmudug Oo Ka warbixiyay xog Xasaasi ah Oo Ay Ka Ogaadeen Qaraxii Galkacyo + Dhageyso

0

Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ciimadada dowladda iyo kuwa maamulka galmudug ay howlgalo isdaba jooga ah ay ka wadeen magaalada gaalkacyo ayaa waxa howlgaladaasi socday si hordhac ah  uga hadashay wasaarada amniga maamulka galmudug .

Wasiirka wasaarada  amniga dowlad goboleedka  galmudug axmed macalin fiqi  oo kulan la qaatay laamaha  amniga galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyayay  baaritaano iyo howlgalo ciidamada dowladda ay ka wadeen koonfurta magaalada gaalkacyo

Wasiirka amniga galmudug ayaa waxa uu sheegay in howladii iyo baaritaanadii ay sameeyeen  ciidanka dowladda ay usuuraggashay in ay wax  ogaadaan macluumaad ku saabsan ninkii isku qarxiyay koonfurta magaalada gaalkacyo

Waxaana uu sheegay in nin ka isqarxiyay uu ahaa nin reer galmudug islamarkaasna ay ogaadeen halka uu dagnaa iyo macluumad kale oo ku saabsan

Wasiirka amniga galmudug ayaa waxa uu sheegay  in sidookale ciidamada amnigu ay gacanta kusoo dhigeen rag kale oo ku luglaha qaraxii ismiidaminta ahaa ee ka dhacay gaalkacyo isagoo geesta kalana  tilmaamay in baarinadu wali ay socdaan

 

Hadalka wasiirka amniga galmudug ayaa waxauu imaanaya xili dhwaan qarax ismiidamin ah oo saraakiil badan oo ciimada dowladda ka tirsan ku dhinteen uu ka dhacay koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug .

Waxaana tan iyo markii qaraxaasi dhacay kadib ciidamada dowladda ay koonfurta magaalada gaalkacyo ay ka wadeen howlgalo  lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay iyo baaritaano lagu ogaanayo dad ku lug lahaa qaraxaasi.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here