Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ciimadada dowladda iyo kuwa maamulka galmudug ay howlgalo isdaba jooga ah ay ka wadeen magaalada gaalkacyo ayaa waxa howlgaladaasi socday si hordhac ah uga hadashay wasaarada amniga maamulka galmudug .
Wasiirka wasaarada amniga dowlad goboleedka galmudug axmed macalin fiqi oo kulan la qaatay laamaha amniga galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyayay baaritaano iyo howlgalo ciidamada dowladda ay ka wadeen koonfurta magaalada gaalkacyo
Wasiirka amniga galmudug ayaa waxa uu sheegay in howladii iyo baaritaanadii ay sameeyeen ciidanka dowladda ay usuuraggashay in ay wax ogaadaan macluumaad ku saabsan ninkii isku qarxiyay koonfurta magaalada gaalkacyo
Waxaana uu sheegay in nin ka isqarxiyay uu ahaa nin reer galmudug islamarkaasna ay ogaadeen halka uu dagnaa iyo macluumad kale oo ku saabsan
Wasiirka amniga galmudug ayaa waxa uu sheegay in sidookale ciidamada amnigu ay gacanta kusoo dhigeen rag kale oo ku luglaha qaraxii ismiidaminta ahaa ee ka dhacay gaalkacyo isagoo geesta kalana tilmaamay in baarinadu wali ay socdaan
Hadalka wasiirka amniga galmudug ayaa waxauu imaanaya xili dhwaan qarax ismiidamin ah oo saraakiil badan oo ciimada dowladda ka tirsan ku dhinteen uu ka dhacay koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug .
Waxaana tan iyo markii qaraxaasi dhacay kadib ciidamada dowladda ay koonfurta magaalada gaalkacyo ay ka wadeen howlgalo lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay iyo baaritaano lagu ogaanayo dad ku lug lahaa qaraxaasi.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso

