wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan kuwa amisom qarax xoogan lagu la eegtay duleedka degmada baraawe ee gobolka shabeelaha hoose.
qaraxaan qaraxaan ayaa waxa lasheegay in lala beegsaday gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada amisom iyadoona qaraxaan uu gaari booyada ah haleelay xili ay mareysay deegaan ka tirsan degmada baraawe
waxaana wararku ay sheegayaan in gaari booyada ah ay lahaayueen ciidamada uganda oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga gudaha soomaaliya
waxaana la sheegay in qaraxaan uu ka dhashay qasaare kala duwan iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay kaasi oo wali aan si dhab ah loo xaqiijin
Dagaalamayaasha al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarax lala eegtay ciidamada amisom ee ka dhacay duleedka magaalada baraawe
wararka al-shabaab ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen qaraxaasi
qaxaan ay sheegeen in gabi ahaanba ay gubeen gaari booyad ah oo ay wateen ciidanka amisom gaar ahaana ciidamada uganda
al-shabaab waxfaahin ah kama bixin in wax qasaara nafeed ah ay gaarsioiyeen ciidamada amisom balse waxa ay sheegeen in qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ay gaarsiiyeen
ciidamada amisom ayaa inta badan gaadiidka ay wataan qarax lala beegsadaa marka ay u kala socdaalayaa deegaanada iyo degmooyinka dhaca koonfurta iyo bartamaha soomaaliya
