waxa magaalada caasimada ah ee muqdisho hada ka bilowday bananbaxayo xoogan oo sida la sheegay looga soo horjeedo madaxweynmaha haatan talada dalka hayo maxamed cabdulahi farmaajo
dad aad u fara badan ayaa waxa ay isgoosyada qaar ee magaalada muqdisho ka bilaabeen iskusoo baxyo kaasi oo ay ku muujinayaan dareenkooda
isgooska dabka gaar ahaana saldhiga degmada waabari ayaa ka mid ah halka saakay ay ka bilowdeen banaan baxyadu
waxaana dadku ay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedaan madaxweyne farmajo
madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa xalay magaalada muqdisho uga dhawaaqay banaan baxayo ka dhan ah madaxweyne farmajo

