wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay dad shacab maleeshiyaad hubeysan ay ku laayeen gudaha degmada warsheekh ee shabeelaha dhexe
waxaana la sheegay in weerarkaan ay maleeshiyadu dadka shacab ah lulaayeen uu la xariiro aanooyin qabiil.
koox maleeshiyo hubeysan ayaa la timaamay in ay rasaas ooda kaga rogeen dadka shacab ah oo fiidsanayay
waxaana weerarkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee weerarka lagu qaaday.
inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa dhimatay halka shan ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen ee weerarkii xalay la sheegay in uu ka dhacay degmada warsheekh
wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dadka dhintay ay ahaayeen haweeneey laba wiil oo dhalinyaro ah
deegaanada hoosyimada gobolka shabeellaha dhexe waxa inta ka dhaca weeraro ay geeystaan maleeshiyo hab beeleed u abaabulan
dhawaan ayay aheyd markii deegaan duleedka ka ah degmada warsheekh lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan

