Madaxweynihii hore ee dalka shariif sheekh axmed ayaa si qoto uga ka hadlay walaac xoogan oo uu ka qabo doorashada dalka ka dhacaysa iyo sida ay wax uwadaan madaxda haatan talada dalka heesa
Waxaana madaxweyihii hore ee dalka uu sheegay in loo baahanyahay in arimaha doorashooyinka dalka in ay noqdaan kuwa tala wadaag ah oo lagu heshiiyo balse aan la aqbali karin in dhinac loo jiito
Madaxweyne shariif sheekh ayaa madaxweynaha jamhuriyada fadaraalka maxamed cabdulahi farmajo ugu baaqay in uu dhowro dartuurka kaasi oo uu sheegay in uu yahay midka lagu heshiiyay islamarkaasna loo baahanyahay in la ilaaliyo hadii la baalmarana ay dhibaato badan ka dhalan karto
Dhankale madaxweyne Shariif sheekh axmed ayaa sheegay in uu afartii sano ee lasoo dhaafay uu xumaaday xiriirada soomaaliya ay lalaheyd wadamada caalamka
waxaana uu sheegay in soomaaliya ay tahay qaran hada soo koraaya ismarkaasna ay qasabtahay in ay yeelato saaxiibo badan
hadalka madaxweynihii hore dalka ayaa waxa uu imaanaya xilli guddiga doorashooyinka ee dowladdu magacowday ay shaaciyeen jawalka dooraashooyinka xildhibaanada aqalka sare iyo golaha shacabka ee barlamaanka jamhuriyada faderaalka soomaaliya
Waxaana arintaasi walaac xoogan ka muujiyay midowga musharaxiinta utartamaya madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya kuwaasi oo horay u muujiyay in madmadow uu ku jiro guddigaasi islamarkaasna loo baahanyahay in dowladdu ay wax ka badal lagu sameeyo
Dowladda ayaa horay u sheegtay in guddigaan ay yihiin kuwa i saxan ku yimid taasi oo muujinaysa in dowladdu ay dhagaha ka fureysatay cabashadii uga timid ka dhanka midowga mushraxiinta

