Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Lala Beegsaday Agaasime koofi

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii xalay uu ka badbaaday Max’med Aadan Koofi agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda federaalka.

Qaraxaan aya ka dhacay Isgoyska KM4 ee degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay KM4 Magaaladda Muqdisho.

Shabaab waxa ay sheegeen In si dirqi ah uu ka badbaaday Koofi,sidoo kalana ay waxyeelo soo gaartay  qaar kamid ah ilaaladiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here