Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii xalay uu ka badbaaday Max’med Aadan Koofi agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda federaalka.
Qaraxaan aya ka dhacay Isgoyska KM4 ee degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay KM4 Magaaladda Muqdisho.
Shabaab waxa ay sheegeen In si dirqi ah uu ka badbaaday Koofi,sidoo kalana ay waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah ilaaladiisa.

