Maamul Goboleedyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa soo gudbiyay Labadii Xubnood ee ku Matali lahaa Guddiga farsamadda Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed ee Doorashadda Soomaaliya.
Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) La taliyaha Arrimaha Doorashooyinka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in labadda Maamul ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo gudbiyeen labadii xubnood.
Waxa uu sheegay in ay sugayaan Maamul Goboleedyadda, Puntland, Hir-shabeelle iyo Galmudug in ay soo gudbiyana xubnaha u matalaya Guddiga Farsamadda.
Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) La taliyaha Arrimaha Doorashooyinka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in sababaha waqtiga u dheeraaday ay tahay in la raadinaya xubno ku haboon boosaska oo kasoo bixi kara sharuudaha.
“Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo gudbiyay xubnaha Guddiyada ah ee laga sugayay si ay ugu shaqeeyaan arrimaha Doorashada iyada oo la raacayo shuruudaha ku xusan qofka kamid noqonaya xubnaha Guddiga” Sidaasi waxaa yiri La taliyaha Arrimaha Doorashooyinka Raisulwasaaraha Soomaaliya.
Waxaa dhamaaday maanta muddadii 10-ka cisho ee la filayay in lagu soo dhiso Saddexda Guddi ee ka qeyb qaadanaya howlaha doorashada, saddexdan Guddi ayaa isugu jiray Guddiga doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

