Ciidamada dowlada faderaalka Somalia ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo ay ku qaadeen fariisimo dagaalamayaal ka tirsanaa la shegay in ay ku lahayeen deegaan duleedka ka ah degmada diinsoor ee gobolka bay
Dagaalkan ayaa waxa lasheegay in ay siwada jir ah u qaadeen ciidamada dowlda kuwa daraawiishata koonfur galbeed iyo ciidamada amisom
Waxaana lasheegay in dagaalkan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo isku jira dhimasho iyo dhaawac
Saraakisha ciidamada dowlda ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha alshabab sida ay hadalka udhigeen islamarkaasna ay nolosha ku qabteen ilaa iyo laba kale
Sidookale waxa ay saraakiisha ciidamada dowladu sheegeen in ay gubeen laba gaari oo ay lahaayeen dagaalamasha alshabaab
Taliayaha ciidanka xooga dalka odawaa yuusuf raage oo lahadlay warbaahinta dowalada ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay diinsoor ay qasaare xoogan ku gaarsiiyiin alshabaab saldhigayana ay kaga burburiyeen sida uu hadalka u dhigay taliyaha ciidanka xooga.
Majirto ilaa iyo hada wax wara oo kasoo baxay dagaalamasha alshabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay duleedka degmada diinsoor ee gobolka bay.
Ciidamada dowladda ayaa howlgalo ay sheegeen in uu yahay amni xaqiijin waxa ay ka sameeyaan deegaanada dhaca gobolka bay waxa Sidaan oo kale uu inta badan dagaal iyo iska hor imaad ku dhexmara ciidamada dowlada iyo alshabaab deegaano ka tirsan gobolka bay
Iyadoona dagaalkaasi ay labada dhinac guulo ka kala sheegtaan.

